NewPipe/doc/README.so.md

10 KiB

NewPipe

App bilaash ah oo fudud looguna talagalay in Android-ka wax loogu daawado.

Get it on F-Droid


Sawir-shaashadeedFaahfaahinWaxqabadkaKushubida iyo cusboonaysiintaKusoo KordhinUgu DeeqLaysinka

Website-kaMaqaaladaSu'aalaha Aalaa La-iswaydiiyoWarbaahinta


Read this document in other languages: Deutsch, English, Español, Français, हिन्दी, Italiano, 한국어, Português Brasil, Polski, ਪੰਜਾਬੀ , 日本語, Română, Soomaali, Türkçe, 正體中文, অসমীয়া, うちなーぐち, Српски

[!warning] MIDKAN, NOOCA APP-KA EE HADDA WALI TIJAABO AYUU KU JIRAA, SIDAA DARTEED CILLADO AYAAD LA KULMI KARTAA. HADAAD LA KULANTO, KA FUR ARIN SHARAXAYA QAYBTANADA ARRIMAHA EE GITHUB-KA.

NEWPIPE AMA KUWA KU SALAYSAN IN PLAYSTORE-KA LA GALIYO WAXAY KA HOR IMANAYSAA SHARCIGA IYO SHURUUDAHA AY LEEYIHIIN.

Sawir-shaashadeed



Faahfaahin

NewPipe ma isticmalo nidaamka wada shaqaynta Google, ama API-ga YouTube. Kaliya website-yada ayaa la furaa si xogta loo baahanyahay loogala soo dhex baxo, App-kan waxaa lagu isticmaali karaa aaladaha aysa ku jirin Adeegyada Google. Sidoo kale, uma baahnid akoon YouTube ah si aad u isticmaasho NewPipe, kaasoo ah barnaamij bilaash ah.

Waxqabadka

  • Raadi muuqaalo
  • Soo bandhiga faahfaahin guud oo muuqaalada ku saabsan
  • Ku daawo muuqaalada YouTube
  • Dhagayso muuqaalada YouTube
  • Qaab daaqad ah (muuqaal daare yar oo application-nada dul fuula)
  • Dooro muuqaal daareha aad rabto inaad wax ku daawato
  • Daji muuqaalada
  • Daji dhagaysiga kaliya (cod)
  • Ku fur muuqaal Kodi
  • Tus muuqaalada ka xiga/kuwa lamidka ah
  • Inaad luuqada aad rabto wax kaga dhex raadiso YouTube
  • Daawo/xanib muuqaalada da'da ku xidhan
  • Soo bandhig xog guud oo ku saabsan kanaalada
  • Raadi kanaalo
  • Daawo muuqaalada kanaal
  • Taageerida Orbot/Tor (wali toos ma aha)
  • Taageerida muuqaalada 1080p/2K/4K
  • Kaydka wixii hore [aad u daawatay]
  • Inaad rukumato kanaalada
  • Kaydinta waxaad raadisay
  • Raadi/daawo xulalka
  • U daawo sidii xulal la horay
  • Hormo gali muuqaalada
  • Xulal gudaha [aalada] ah
  • Qoraal-hooseed
  • Taageerida waxyaabaha tooska ah
  • Soo bandhiga faalooyinka

Adeegyada la Taageero

NewPipe wuxuu taageeraa adeegyo badan. warqadan ayaa si faahfaahsan u sharaxaysa sida adeeg cusub loogu soo dari lahaa iyo kala fur-furaha. Fadlan nala soo xidhiidh hadaad rabto inaad mid cusub kusoo darto. Adeegyada aan hadda taageero waxaa kamid ah:

  • YouTube
  • SoundCloud [tijaabo]
  • media.ccc.de [tijaabo]
  • PeerTube instances [tijaabo]
  • Bandcamp [tijaabo]

Kushubida iyo cusboonaysiinta

Marka koodhka NewPipe isbadal ku dhaco (wax cusub oo lagusoo kordhiyay ama cilad bixin), ugu dambayn waxaa lasii daayaa mid cusub (Siidayn). Siidaynta qaabkeedu waa x.xx.x . Si aad midka cusub u hesho, waxaad samayn kartaa:

  1. Inaad mid cusub (APK) adigu dhisato. Tani waa mida ugu dagdag badan eed waxyaabaha cusub ku heli karto, laakiin way adagtahay, sidaa darteed waxaan soojeedinaynaa inaad isticmaasho qababka kale.
  2. Ku dar qayb gaar ah xaganaga F-Droid oo xagaas kaga shub isla markay siidayn soobaxdo. Hagitaanka xagan ka eeg: https://newpipe.net/FAQ/tutorials/install-add-fdroid-repo/
  3. Kasoo dajiso APK-ga xaga Siidaynta GitHub oo ku shubo isla markay siidayn soobaxdo.
  4. Ka cusboonaysii xaga F-Droid. Tani waa mida ugu daahitaanka badan, sababtoo ah F-Droid waxay fiirin isbadalka waxayna iyadu dhisi mid (app), sixiixi, kadibna ay cusboonaysiinta usiidayn isticmaalayaasha.

Waxaan usoojeedinaynaa isticmaaalka qaabka 2 dadka badankood. APK-yada loogu shubo qaabka 2 ama 3 way isqaadan karaan, laakiin isma qaadan karaan kuwa loogu shubay qaabka 4. Sababtuna waxaa weeye furaha sixiixa oo iskumid ah (kaanaga weeye) oo loo isticmaalay 2 iyo 3, laakiin furo sixiixeed ka duwan (midka F-Droid) oo loo isticmaalay 4. Dhisida APK ayadoo la isticmaalayo qaabka 1 waxay gabi ahaanba ka reebtaa wax fure ah. Furayaasha sixiixa waxay xaqiijiyaan in isticmaalaha aan lagu khaldin inuu ku shubto cusboonaysiin khalad ah (wax lasoo dhexraaciyay) app-ka.

Waxaa kale, hadaad rabto inaad tixraacayada kala badasho sabab jirta awgeed (tusaale shaqaynta aasaasiga ah ee NewPipe ayaa khalkhashay F-Droid-na wali cusboonysiin ma hayo), waxaan soojeedinaynaa isticmaalka qaabkan:

  1. Xogtaada koobi ka samee adoo raacaya Fadhiga > Luuqada & Fadhiga Kale > Gudbi Xog Diyaaran si aysa kaaga bixin kaydka wixii hore, rukunka, iyo xulalka
  2. Saar NewPipe
  3. Kasoo daji APK-ga tixraaca cusub oo ku shub
  4. Kasoo gali xogta talaabada 1 xaga Fadhiga > Luuqada & Fadhiga Kale > Soo Gali Xog Kaydsan

Kusoo Kordhin

Hadaad hayso fikrado; rogid, qaab badal, nadiifin koodh, ama koodhka ood si wayn wax oga badashaa—caawinta marwalba waa lasoo dhawaynayaa. Waxbadan hadii la qabto waxbadan ayaa fiicnaan!

Hadaad jeceshahay inaad qayb ka noqoto, fiiri ogaysiisyada kusoo kordhinta.

Heerka turjimaada

Ugu Deeq

Hadaad jeceshahay NewPipe waan ku faraxsanaan lahayn deeq. Waxaad soo diri kartaa bitcoin ama sidoo kale waxaad deeqda kusoo diri kartaa xaga Bountysource ama Liberapay. Faahfaahin dheeraad ah oo kusaabsan ugu deeqida NewPipe, fadlan booqo website-kanaga.

Liberapay Visit NewPipe at liberapay.com Donate via Liberapay

Siyaasada Sirdhawrka

Mashruuca NewPipe waxay ujeedadiisu tahay inuu bixiyo wax kuu gaar ah, oo adoon shaqsi ahaan laguu aqoonsan aad isticmaasho website-yada wax laga daawado/dhagaysto. Sidaa darteed, app-ku wax xog ah ma uruuriyo fasaxaaga la'aantii. Siyaasada Sirdhawrka NewPipe ayaa si faahfaahsan u sharaxda waxii xog ah ee la diro markaad cillad wariso, ama aad bogganaga faallo ka dhiibato. Warqada waxaad ka heli kartaa halkan.

Laysinka

GNU GPLv3 Image

NewPipe waa barnaamij bilaash ah oon lahayn xuquuqda daabacaada: Waad isticmaali kartaa, waad wadaagi kartaa waadna hormarin kartaa hadaad rabto. Gaar ahaan waad sii daabici kartaa ama wax baad ka badali kartaa ayadoo la raacayo shuruudaha sharciga guud ee GNU sida ay soosaareen Ururka Barnaamijyada Bilaashka ah, soosaarista 3aad ee laysinka, ama (hadaad doonto) nooc walba oo kasii dambeeyay laysinkii 3aad.